Wareegto Madaxweyne
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 16/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-037/012025 uu ku magacaabay Masuuliyiinta Hay’addaha Shaqaalaha Dawladda ugu saraysa.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan tixgeliyey: Xeerka Shaqaalaha Dawladda ee Xeer 97/2022.
Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu u leedahay dhismaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland
Markii aan arkay: Aqoontooda, Kartidooda, iyo Waayo-aragnimadoodaba, isla markaana in ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey;
- In Cabdicasiis Xirsi Warsame Geelle uu ahaado Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- In Xasan Xuseen Cabdi (Xaydar) uu ahaado, Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland
- In Cabdirashiid Maxamed Warsame uu ahaado Xubin ka mid ah Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- In Maxamed Axmed Xasan Jabarti Saadle, uu ahaado Xubin ka mid ah Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- In Sakariye Cabdiraxmaan Ismaaciil Carraale, uu ahaado Xubin ka mid ah Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- In Ibraahim Ducaale Boos uu ahaado Xubin ka mid ah Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- In Mustafe Maxamed Cawil Diiriye uu ahaado Xubin ka mid ah Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Allaa Mahad Leh
__________________________________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland