Wareegto Madaxweyne
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 14/01/2025 uu wareegto Madaxweyne ku magacaabay Wakiilka (UAE), La-taliyaha Madaxweynaha iyo Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisaba;
Markii aan ku qancay: In uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey;
- In Mascuud Cabdi Cali Xasan laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE).
- In Dr Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.
MAGACAABIDA MAAREEYAHA HAAMAHA KAYDKA SHIDAALKA QARANKA EE JAMHUURIYADDA SOMALILAND.
[
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranku u leeyihiin Horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka;
Markii aan arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisaba, isla markaana in uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey;
In Maxamed Sidiiq Cabdillaahi Dhamme laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Allaa Mahad Leh
_________________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland [