Wareegto Madaxweyne
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 13/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-029 /012025 uu ku magacaabay masuuliyiin cusub.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda;
Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ay u leeyihiin u adeegidda dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhismaha Qaranka;
Markii aan ku qancay: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo mas’uuliyiinta hoos ku xusan:
Tr | Magaca | Xilka |
1 | Maxamed Cali Maxamuud Shabeel | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga ee Jamhuuriyadda Somaliland |
2
|
Cabdisalaan Maxamuud Ducaale Cumar (Ilkacase) | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaainta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland |
3
|
Maxamed Cabdiraxmaan Xasan Rooble
|
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland |
4 | Liibaan Maxamuud Diiriye Waaberi
|
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland |
5
|
Aadan Cabdillaahi Cabdalle Nuur
|
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland |
6 | Saleebaan Ibraahin Maxamuud Xasan
|
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland |
7 | Cali Cige Maxamuud Dubad
|
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland |
8 | Mukhtaar Cabdi Jaamac Baaxo
|
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada ee Jamhuuriyadda Somaliland |
9 | Eng Maxamuud Xuseen Aadan Jabaake
|
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland |
10
|
Maxamed Siciiid Maxamuud Maxamed
|
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland |
ALLAA MAHAD LEH
________________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland