Ujeedada ay 19-ka Wasiir u hor tageen Golaha Wakiillada ayaa aheyd in Goluhu uu ka guto wajibaadkooda la xidhiidha Ansixinta Xubnaha Golaha Wasiirada Afhayeen Deyr

0
9

WAR SAXAAFADEED.

Maanta oo ay taariikh-du tahayΒ  6.1.2025 waxa Shirguddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiillada hor-tagay qeybtii koowaad ee Golaha Wasiirada oo ka koobaan 19 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

 

Ujeedada ay 19-ka Wasiir u hor tageen Golaha Wakiillada ayaa aheyd in Goluhu uu ka guto wajibaadkooda la xidhiidha Ansixinta Xubnaha Golaha Wasiirada, sida ku cad Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

 

Dhammaan 19-ka Wasiir ee maanta hor tagay Golaha Wakiilladu, waxay Golaha ka hor jeediyeen hadalo kooban oo la xidhiidha arimaha mudnaanta u leh harumarinta dadka iyo dalka JSL.

 

Wasiiradu waxay mid mid Golaha Wakiillada hortiisa ka sheegeen, isla markaana ay ka xog warameen qorshayaasha u dejisan iyo arimaha ay siinayaan mudnaanta ee la xidhiidha Wasaaradaha uu Madaxweynuhu u igmadey .

 

Hadalada ay Golaha ka hor jeediyeen 19-ka wasiir waxa ay ahaayeen kuwo salka ku haya wax qabad-yada looga fadhiyo Xukuumadda kuwaasoo la xidhiidha Qorshaha Horumarinta Qaranka NDP-3 iyo Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga WADDANI iyo Xukuumadiisa WADAJIR iyo WAX-QABAD.

 

Dhammaan Wasiirada hor tagay Golaha Wakiillada waxa ay mid mid Gole weynaha uga codsadeen in loo ansixiyo xilalka Wasiir-nimo si ayΒ  u gataan hawlaha baaxda leh ee uu Madaxweynuhu u igmadey .

 

Intaas ka dib, Gudoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu Gole weynaha ka codsadey in mid mid cod gacan taag ah laguΒ  ansixiyo Wasiirada, taas oo uu Golahu cod aqlabadiyad ah ku ansixiyeen dhammaan 19 Wasiir ee maanta hor yimid .

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamerd Cabdilaahi waxa uu Shirgudoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada uga mahad celinayaa sida kalsoonida leh ee ay Golaha Wakiiladu u ansixiyeen Wasiiradii maanta hor tagay.

Β 

ALLAA MAHAD LEH,

Β 

Xuseen Aadan Cige (Deyr),

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,