Hadal Jeedinta Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane. Maxamed Cali Aw Cabdi ee Kulanka Aqoon-is-waydaarsiga Golaha Wasiirrada oo Maalintii 2aad Galay
Kulankii Aqoon-is-waydaarsiga Golaha Wasiirrada JSL ee Xukuumada WADAJIR iyo WAX-QABAD ee uu Gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa halkiisii ka sii socday maalintii 2-aad. Waxaana kulanka khudbad qiimo leh ku furay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi.
Khudbadaasi waxay salka ku haysay Hufnaanta Dawladnimada, Maamul wanaaga, caddaalada, u xaqsoorka bulshada Somaliland, adkaynta midnimada iyo wax wada lahaanshaha ummadeena.
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Xubnaha Golaha Wasiirrada ku baraarujiyey in ay si rasmi ah u fahmaan culayska uu leeyahay Xilka loo dhaariyey ee ay Qaranka u hayaan.
Khudbadda Madaxweyne ku xigeenku waxay u dhignayd sidan:
Hufnaanta Dowladnimo
Madaxweyne xigeenka Jamhuuriyada Somaliland
29-12-2024
Bismillaahi Raxmaani Raxiim, ILAAHAY AYAA KELIDII MAHAD LEH
Madaxweynaha Qaranka, Golaha Wasiirrada, Xubnaha Aqoonyahanka ah ee Bixinaya Tababarka iyo Shaqaalaha Madaxtooyadaba waad salaaman tihiin dhamaantiin.
Salaam ka dib;
Waxa aan rejaynayaa in Aqoon iswaydaarsigan Mudada labada Cisho inoo socda uu noqon doono mid si dhab ah uga muuqda dowladnimada aynu ku taamayno in aynu gaadhno, si gaar ah Qorshaha 100 Maalmood ee u horaysa aynu fulin doono.
Mudanayaal lyo Marwooyin,
Hufnaanta Dowladnimo waxa ay ka bilaabantaa Masuuliyiinta la doortay iyo Masuuliyiinta ay sii doortaan, waxayna ku dhamaataa adeeg bixinta Shacabka la siinayo, taas oo muraayad u ah Hufnaanta Dowladnimo.
Dowladnimadeena Curdinka ah waxa laga maarmaan u ah in aynu la nimaadno isla xisaabtan iyo hufnaan shaqo oo la taaban karo; waxa waajib diini ah inaga saaran yahay shaqada aynu ummada u qabanayno in aynu sida la inoogu dhaariyay uga soo baxno.
Waxa inoo taala in aynu dhisno dowlad wanaagsan oo ka caagan musuq-maasug, Eex iyo dib u dhac hoggaamineed; waxa shacabku inaga sugayaa in aynu la nimaadno Isbadelkii aynu ku soo ololaynay.
Cida laga rabo in ay rejadii shacabka rumaysana waa idinka, waxa la idinka rabaa in aad si dhab ah u qabataan shaqooyinka hortabinta leh ee idin horyaala.
Mudanayaal iyo marwooyin,
Waxa ina horyaala in aynu soo celino kalsoonidii shacabku ku qabeen dowladdooda, waxa waajib inaga saaran yahay in aynu la nimaadno, fikrado wax dhisaya, oo qalbiga u qaboojinaya shacabkeena.
Hufnaanta Dowladnimo waxa uu ku dhisan yahay in aynu samaysano Qorshayaal Dhow, mid dhexe iyo mid dheerba (Proper Strategic Plan), Qorshahaas oo wata isla xisaabtan (Accountibility) iyo Hufnaan shaqo.
Waxa aan idinkula dardaarmayaa in aad ka dhabaysaan Barnaamij Siyaasadeedkii uu Xisbiga Waddani doorashada ku galay oo si dhab ah uga turjumayay Baahiyaha Shacabka.
Guntii iyo Gebabadii waa in aynu kordhinaaa Sinaanta iyo Cadaalada, korna loo qaadaa adeega shacabka loo qabanayo.
Wa Bilaahi Towfiiq
Waad Mahadsan tihiin,
Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi,
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland