Wareegto Madaxweyne
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 21/12/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-007/122024 uu ka soo saaray Illaalinta saacadaha Shaqada.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan;-
Wareegto Madaxweyene
Ilaalinta Saacadaha Shaqada:
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Markii aan arkay: Qoddobka 10aad ee Xeerka Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr: 97/2021 oo Jidaynaya in Saacadaha Shaqada ee caadiga ah (Normal working hours) ee Shaqaalaha Dawladdu ay yihiin siddeed (8) saacadood maalintii, oo toddobaadkiina noqonaya 48 saacadood, marka laga reebo Bisha Ramadaan oo saacadaha shaqada laga jarayo hal saac.
Markii aan ku qancay: Muhiimadda ay leedahay dar-dar gelinta iyo kor u qaadidda xaaladaha shaqo ee Hay’adaha Dawladda si loo xaqiijiyo in shaqaalaha dawladdu ay fuliyeen waajibaadkoodii shaqo, sida oo kale-na loo gaadhsiiyo shacabka adeegyadii ay u baahnaayeen.
Markii aan garwaaqsaday: In Shaqaalaha Dawladdu ay udub-dhexaad u yihiin habsami u socodka iyo xil-gudashada Hay’adaha Dawladda, sida oo kalena ay mas’uul ka yihiin maamulidda iyo taabagelinta qorshayaasha iyo siyaasadaha Xukuumadda.
Waxa aan go’aamiyey:
- In Shaqaalaha Dawladda ee ka hawl-gala Hay’adaha kala duwan ee Qaranku ay ilaaliyaan Saacadaha Shaqada ee ku xusan Xeerka Shaqaalaha Dawladda, una gutaan waajibaadkooda shaqo si mas’uuliyad leh oo waafaqsan Xeerarka iyo Siyaasadaha Shaqaalaha Dawladda.
- In Mas’uuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladdu ay xaqiijiyaan in shaqaalahoodu ay u illaaliyaan saacadaha shaqada, iskana xaadiriyaan goobohooda shaqo si joogto ah, haddii aanay jirin duruufo u diidaya ama aanay haysan fasax sharciga waafaqsan.
- In Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu soo saarto Jadwalka Saacadaha Joogtada ah (Regular Working Hours) iyo Jadwalka saacadaha kaalaysiga ah, (Shifts) sida oo kale-na ay dejiso nidaam ay ku kormeerto, kulana socoto habsami u socodka shaqada iyo saacadaha shaqada ee shaqaalaha dawladda, kana diyaariso war-bixin iyo talooyin ay u gudbiso Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Dawladda.
ALLAA MAHAD LEH
________________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland