TACSI MADAXWEYNE: 24/11/2024.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka Somaliland, shacbiga reer Somaliland iyo bahda Warbaahinta ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee weriyihii caanka ahaa Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu ahayd 24/11/2024, Cusbitaalka Guud ee caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey Suxufi ruug-cadaaya oo ka baxay dalka, dadka iyo bulshada ku hadasha Afka Soomaaliga.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda Warbaahinta, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.