Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Munaasibad xuska sannad-guurada 30-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska lacagta Shilling ka Somaliland iyo Baanka dhexe .

0
5

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Munaasibad xuska sannad-guurada 30-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska lacagta Shilling ka Somaliland iyo Baanka dhexe .

Hargeysa-17-10-2024-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey sannad-guuradii 30-aad ee kasoo wareegtay Aas aaskii lacagta shilling ka Somaliland iyo baanka dhexe oo maanta lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada.

 

Munaasibadda lagu xusayey Aas aaska Shilling ka Somaliland iyo hirgelinta Baanka dhexe waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda Baanka dhexe, saraakiil ka socday hay’adaha maaliyadeed ee dalka ka jira, ganacsato iyo marti-sharaf kale, waxana halkaas lagu soo bandhigay kaalinta Baanka dhexe ee dalka iyo lacagta Shillig ka ahi ka qaadatay horumarinta dalka.

 

Ugu horrayn, waxa madasha lagu soo bandhigay Barnaamij Documentary ah oo sharraxaya marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray Aas aaska lacagta Shilling ka Somaliland iyo hirgelinta Baanka dhexe oo haatan meeshii ugu fiicnayd maraya.

 

Ganacsade Maxamed Siciid Dahabshiil, guddoomiyaha ururka ay ku bahoobeen ururka Baananka Somaliland, Mudane Khaliif Sheekh Cumar iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga, Mudane Jamaal Caydiid Ibraahim oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa bogaadiyey horumarka uu baanka dhexe ku tallaabsaday iyo doorka ay lacagta ka qaadatay dawladnimada iyo taabbogelinta dawladnimada.

 

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Cabdilaahi Daahir oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay marxaladihii Shilling Somaliland soo maray iyo sida ay ugu dedaaleen in dalku yeesho Baan dhexe oo awood leh, islamarkaana shuruucdii iyo siyaasaddii uu ku hawlgelayey u diyaar yihiin.

 

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa dhankiisa bogaadiyey madaxda Baanka dhexe ee haatan iyo kuwii horeba, waxana uu sheegay in shaqada Baanka dhexe ee xilligani tahay mid horumar buuxa horseedday.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si mug leh u bogaadiyey hormuudka Baanka dhexe, waxana uu sheegay in halkaas lagu soo gaadhay wada-jir, midnimo iyo isku duubnimada bulshada reer Somaliland dhexdeeda.

 

Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi waxa uu si kooban uga hadlay doorashooyinka kaabiga inagu soo haya ee madaxtooyada iyo ururrada, waxana uu shacabka ugu baaqay in si nadiif ah iyo turxaan la’aan ah ay codkooda u bixiyaan, kana dheeraadaan wax kasta oo amniga iyo midnimada bulshada ka hor iman kara.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq