Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Dhagax-Dhigay Xarun Cusub Oo  Loo Dhisayo  Baanka Dhexe Ee Somaliland.  

0
6

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Dhagax-Dhigay Xarun Cusub Oo  Loo Dhisayo  Baanka Dhexe Ee Somaliland.

 

Hargeysa-17-10-2024-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta dhagax-dhigay xarun cusub oo loo binaynayo Baanka dhexe ee Somaliland.

 

Munaasibadda dhagax-dhigga xaruntan cusub ee uu yeelanayo Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrad, madaxda Baanka iyo saraakiil kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo horumarka iyo dedaalka uu baanka dhexe ku hawllan yahay.

 

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Cabdilaahi Daahir oo halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa madaxweynaha ku ammaanay dedaalka uu u galay sidii Baanka dhexe u heli lahaa dhisme casri ah oo uu gaar u yaalanyo, kaas oo noqon doona xarunta guud ee uu baanku ku shaqayn doono.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sharraxay muhiimadda uu Baanka dhexe u leeyahay dhismahan cusubi iyo sida uu shaqada Baanka wax uga tari doono, maaddaama  baahi badan loo qabo in hay’adaha kala duwan ee qaranku yeeshaan dhismeyaal bilic leh oo ku habboon shaqooyinkooda.

default

default
default
default

Wa-bilaahi Tawfiiq