Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Xaaji Cabdi Aw Cadde)

0
41

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Xaaji Cabdi Aw Cadde)

 

Hargeysa-23-07-2024-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo maanta xabaalaha Naasahablood ee duleedka Koonfur-bari ee caasimadda Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Xaaji Cabdi Aw Maxamuud Ismaaciil (Xaaji Cabdi Aw Cadde) oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

 

Aaska marxuumka oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen madax katirsan xukuumadda, xildhibaanno, saraakiil katirsan axsaabta qaranka, madax-dhaqameed, haldoor iyo siyaasiyiin kale oo aad u tiro badan, ayaa lagaga warramay kaalintii uu marxuumku dhismaha qaranka iyo midda bulshadaba ku lahaa iyo sidii uu dedaalka badan u geliyey wada-jirka iyo midnimada ummadda.

 

Xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, maamulka gobolka Maroodi-jeex, madax ka socotay hay’adaha kala duwan ee qaranka,  iyo ku-xigeenka Maayarka Caasimadda oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannadii ka waraabiyo, ehellada uu ka baxay iyo qarankana samir iyo Iimaan ka siiyo.

 

Qaar kamid ah madax-dhaqameedkii jinaasada kasoo qaybgalay, ayaa iyaguna dhankooda ku dheeraaday taariikhdii marxuumka iyo sidii uu u ahaa shaqsi dalkiisa iyo dadkiisaba usoo shaqeeyey.

 

Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali-waraabe) oo halkaas ka hadlay, ayaa u duceeyey marxuumka, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay adag tahay in la buuxiyo kaalintii uu banneeyey.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, qaraabada iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay, waxana uu marxuumka ku sifeeyey Oday halgankii dalka musdambeed u ahaa, wanaag iyo islaax badanna kasoo taliyey intii uu noolaa.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka sheekeeyey wanaagii iyo sifaadkii toolmoonaa ee uu marxuumka ku yaqaannay iyo dabeecadihii uu caanka ku ahaa, waxana uu yidhi,“Addoonkaa wanaaggiisii waa la sheegay, laakiin waxan ku darayaa xaajiga waxa ay si wacan isu garanayaan ninkii ay mujaahidnimo soo wada mareen, Ilaahay waxa uu siiyey dabeecad dadka in yar uun la siiyo, dhib kasta oo dhacda lama arag Cabdi oo cadhaysan.”

 

Marxuumka Xaaji Cabdi Aw Maxamuud Ismaaciil, ayaa kamid ahaa madax-dhaqameedka waaweyn ee reer Somaliland, waxana uu kaalin muuqata ku lahaa halgankii dibu xoraynta dalka.

Wa-bilaahi Tawfiiq