Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Qaranka iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdi Aw Maxamuud Ismaaciil (Cabdi Laangadhe)

0
53

TACSI MADAXWEYNE: 23/07/2024.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka, shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cabdi Aw Maxamuud Ismaaciil (Cabdi Laangadhe) oo ku geeriyooday fiidnimadii xalay oo ay taariikhdu ahayd 23/07/2024, caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey mid ka mid ahaa odayaasha waayo araga ah ee ka baxay dalka iyo dadka, Isla markaana door muhiima ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey, sidoo kalena kaalin weyn ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.