Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Maanta Lagaga Hadlay Arrimo Dhawra + Sawiro

0
708

 

WAR-SAXAAFADEED: 19 /09/2019

 

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Maanta Lagaga Hadlay Arrimo Dhawra

 

 

Kal-fadhigii 41-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu lafo-guray arrimaha nabad-gelyada, sidoo kalena waxa  warbixin lagaga dhegaystay gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda.

 

Waxa kulankan diirada lagu saaray adkaynta amniga waxaanu goluhu ku dheeraadeen ahmiyada weyn ee nabadgelyadu u leedahay dalka iyo dadka iyagoo hoosta ka xariiqay in cid kasta oo lidi ku ah amniga laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan, oo aan loo  dulqaadan cid kasta oo ku hawlan nabadgelyo daro iyo hurinta colaadaha soo noqnoqday.

 

 

Waxa kale oo goluhu warbixin dheer ka dhegaysteen gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada mudane Farxaan Aadan Haybe oo sharaxaad ka siiyay golaha hawlaha horumarineed ee hay’adda shaqaaluhu ku hawlan tahay, isagoo tilmaamay inay dib u habayn iyo tayayn ku samaynayaan waaxaha maamulka iyo maaliyada iyo cududa shaqaalaha si kor loogu qaado tababarada iyo xirfada shaqaalaha dawladda islamarkaana loo hirgeliyo hannaanka, maamul wanaaga, daahfurnaanta iyo maamul daadejinta gobolada iyo degmooyinka ee shaqaalaha dawladda.

 

 

Ugu danbayn waxa goluhu xusay muhiimada xeerka hawl-gabka iyo xaqsiintu u leeyahay  ciidamada qalabka sida  si ay isula jaan-qaadaan horumarinta shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu, xeerkaas oo horyaal golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale goluhu wuxu ku dhiiri geliyey gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda in shaqaalaha dawladdu noqdaan shaqaale aqooneed  oo la tartama shaqaalaha caalamka.

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here