Madaxweynaha JSL iyo Weftigii uu Hoggaaminayey oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

0
514

Madaxweynaha JSL iyo Weftigii uu Hoggaaminayey oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay 

Hargeysa-06-09-2019-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka aynnu jaarka nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maanta si rasmi ah waddanka ugu soo laabtay.

 

Madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa oo safar shaqo oo qaatay 4(Afar maalmood) ku joogay waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa waxa garoonka caalamiga ah ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, maayarka caasimadda iyo badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, iyaga oo qaddar nasasho ah ku qaatay qolka nasashada ee madaarka Cigaal International Airport.

 

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon), ayaa saxaafadda uga warramay  guulaha ka dhashay safarkaas iyo kulamo midho dhalay oo uu madaxweynuhu la qaatay madaxweynaha waddanka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo saraakiil kala duwan oo xukuumaddiisa ka tirsan, waxana uu hoosta ka xarriiqay in si buuxda la iskula afgartay dhammaanba waxyaabihii laga wada hadlay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Safarkaasi waxa uu ahaa safar shaqo oo madaxweynaha Jabuuti uu casuumay madaxweynaha Somaliland, waxa uu ahaa safar danaha labada dal ka dhexeeya, danaha iyo walaaltinimada lagaga wada-hadlay, dhammaan waxyaalihii laga wada-hadlayna aad iyo aad baa la iskugu afgartay, weftigayagana waxa loo soo dhaweeyey si aad iyo aad u meeqaam sarraysa.”

 

Safarka shaqo ee uu madaxweynuhu kaga soo laabtay dalka Jabuuti, ayaa salka ku hayey casuumad rasmi ah uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle usoo diray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialnd, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here