Madaxweynaha JSL Oo magacaabay Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka Akhri Liiska Xubnaha
Hargeysa(SN) WAR-SAXAAFADEED: 03 /07/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-156/072018, ku magacaabay Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamah, Xeer Lr. 39/2010;
Markaan Helay: Qoraalka Guddida Xulista Xubnaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha;
Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Komishanka Xuquuqul Aadamuhu u leedahay Dhismaha, Sumcaddda iyo Horumarka Qaranka;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka:
Tir. | Magaca | Xilka |
1. | Maxamed Baaruud Cali | Xubin |
2. | Rooda Axmed Yaasiin | Xubin |
3. | Muuse Cismaan Warsame | Xubin |
4. | Saleebaan Warsame Guuleed | Xubin |
5. | Waris Abshir Xaaji Diiriye | Xubin |
6. | Cumar Maxamuud Xuseen | Xubin |
7. | Cabdirashiid Siciid Cindi | Xubin |
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland