Gudoomiyaha Gobolka Marooji-jeex Safar Ku Jooga Waddanka Turkey-ga Ayaa Kullan La Qaatay Dhalinyarada Wax Ka Barata Waddankaasi

0
785

January 14 2019 (SLN-Istanbul) Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Jaamac Xaaji Axmed oo safar ku jooga Waddanka Turkeyga ayaa kulan la qaatay Dhalinayarada iyo Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Waddankaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa ugu horaynba ka mahad celiyey kulanka balaadhan ay u sameeyeen Ardayda reer Somaliland ee wax ka barata Waddnka Turkey ga  waxaana uu yidhi “Annigu waxaan ahay Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex nin ganacsade ahna waan ahay runtii Ganacsigana waan ku jiraa, runtii annigoo ku hadlaya afkii ganacsatada iyo kii Dawladda waxaan idinka mahad celinayaa sidaa qiimaha iyo sharafta leh ee aad noo soo dhaweyseen”.

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex ayaa Ardayda iyo Jaaliyadda Somaliland uga waramay Xaalada guud ee Dalka Somaliland  waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ” Warbixinta guud horta waddanku waa nabad waana wax Ilaahay loogu mahad naqo, idinkuna warka waad ka dheregsan tihiin oo maanta dunidu waxay noqotay qol keliya oo war idinkuma seegana, Somaliland intii ay jirtay waddankeenu horumarkiisu sannad walba korbuu u socdaa bill xaqiiqatan, Waddankeenu waa waddan curdin ah runtii burbur buu kasoo kabtay”

Dhanka kalena waxaa madashaasi hadalo kasoo jeediyey Aqoonyahanka Dhalinyarada Reer Somaliland ee wax ka barta Waddankaasi Turkeyga, ayaa waxay u mahad celiyeen Booqashada Gudoomiye Jaamac Xaaji Axmed  sidoo waxa ay sheegeen inay diyaar u yihiin in wixii ay barteen ay dib ugu celinayaan Dalkooda hooyo ee Somaliland si looga faaido.

Waddanka Turkiga waxaa ku nool dhalinyaro badan oo reer Somaliland ah kuwaasi oo ku jira Jaamacado kala duwan islamarkaana barta aqoonta noocyadeeda kala duwan, waxaana ay dedaal ugu jiraan sidii ay uga midho dhalin lahaayeen hamigooda aqooneed dalkoodana ay dib ugu soo celin lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here