January 13 2019 (SLN-Hargeysa)   Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guryeynta Somaliland oo gaadhay Degamda Tog-wajaale ayaa Maamulka iyo masuuliyiinta Degmadaasi ku wareejiyey  Qorshe Qaabeedkii Magaalada (Master Map).

Cabdirashiid Ducaale Qanbi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay  inaanay dhici doonin in Wajaale mar danbe laysku qabsado dhul, sidoo kalena waxa uu xusay inay soo habeeyeen qorshe qaabeedkii Magaalada oo dhamaystiran waxaana uu yidhi Wasiirku “Waxaan imika halkan ku wareejinayaa Gudoomiyaha Gobolka (Master Map) kii Wajaale oo dhan oo waxkastaa ay ka muuqdaan loogu talo galay Waddooyinka Cabirkoodii, Lanbaradoodii” Wasiirka Hawlaha Guud.

Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale ayaa beryihii u danbeeyey lagu waday dibu hayn dhanka qorshe qaabeedka Magaalada (Master Map).

Halkan  ka Daawo Muuqaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here