Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Booqasho Ku Tagay Xarunta Dawaladda Hoose Ee Hargaysa, Soona Kormeeray Mashaariic Horumarineed + Sawiro

0
848

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Booqasho Ku Tagay Xarunta Dawaladda Hoose Ee Hargaysa, Soona Kormeeray Mashaariic Horumarineed.

 

Hargaysa-06-01-2019-(SL)-Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa saaka kormeer ku tagay xarunta dawladda hoose ee Hargaysa, kormeerkaas oo salka ku hayey u kuur-gelida Mashaariicda barmaamijka JPLG-ga sida uu uga socdo halkaasi, waxaanu kormeer ku soo maray mashaariicda horumarineed ee laga fuliyay gudaha caasimadda Hargyasa.

 

Goobaha uu kormeerka kusoo maray Madaxweyne ku-xigeenku waxa kamid ahaa xarunta dab-damiska caasimadda iyo dhawr sariibadood oo loo dhisay dadka dan’yarta ah ee ku dhaqan caasimadda.

 

Maayirka caasimadda Hargeisa Cabdiraxmaan Soltelco iyo xildhibaanadda golaha deegaanka ayaa madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siiyay mashaariicda horumarineed ee ka socota magaaladda Hargaysa waxaana kamid ahaa hadaladii maayirka “Madaxweyne ku-xigeen waxaanu halkan kusoo bandhignay waxa nooga qabsoomay barmaamijka JPLG-ga, waxa aanu hirgelinay ku dhawaad 30 waddo oo cusub, xarumo caafimaad iyo xarumo waxbarasho, waxaanu bixinaa gunadda iyo mushaharka qaar kamida macalimiinta dugsiyadda caasimadda, waxaanu kab siinaa dugsiyo, dhamaanteedna waa taa lasoo bandhigay ee aynu soo aragnay, waxa suurta gala inaanay waxaas aanu dhisaynaa muuqan sababtoo ah waa magaalo weyn oo ay ku nool-yihiin 1 milyan iyo 200,000 oo qof”ayuu yidhi maayirka caasimadda Hargyasa.

 

Hawl-wadeenadda barnaamijka maamul-daadajinta ee JPLG-ga iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda ayaa iyaguna dhankooda ka makhraati kacay kor-ukaca horumar ee ay caasimadu samaysay mudadii uu jiray barnaamijka JPLG-gu.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa looga baahan yahay inay hormuud u noqoto golaha deegaanadda ee dalka, waxaanu madaxweyne ku-xigeenku talooyin usoo jeediyay xildhibaanadda golaha deegaanka ee caasimadda waxaana kamid aha hadaladii Madaxweyne ku-xigeenka “Idinku waxaad tihiin caasimadii, waa ishii dalka waxa loo baahan yahay inaad hormuud noqotaan, haday canaantu idinku badatana waxaanu jecelnahay inaad sii dheeraysaan, maanta waxaan aad soo bandhigteen waa horumar weyn laakiin waxa laga yaabaa inaanay muuqan waxa loo baahan yahay inaad horumarka ugu horaysiisaan nadaafadda waxaan idinkula dar-daarmayaa inaad xafiisyadda ku qaadataan saacadihiina shaqo oo aanay dhicin in laydin waayo, waanan idiinku hambalyaynayaa  shaqadaa culus ee aad qabateen”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Wa-bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here