Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee xisbul xaakimka Kulmiye oo U Jawaabay Xisbiyada Mucaaradka xukuumaddana ka difaacay eedayn ay u jeediyeen

0
1036

War Saxaafadeed

Xisbiga Kulmiye

Tar: 29/10/2018

Xisbiga Kulmiye waxa uu ku garab taagan yahay kalana shaqaynayaa xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, arrimaha horumarinta kabayaasha dhaqaale ee qaranka oo ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee Barnaamij-siyaasadeed-ka xisbigu ku hoggaaminayo qaranka.

 

Nidaaminta iyo habaynta Suuqa Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda casriga ahi waxa ay kamid tahay hawlaha xukuumaddu u igman tahay, isla markaana qayb libaax ka qaadan kara horumarinta iyo dardargelinta dhaqaalaha dalka.

 

 

 

Siyaaasadaha iyo qoryaasha lagu hor marinayo isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda dalka waxa gacanta ku haysa Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda oo ay tahay inay horumariso si qaranku ula jaanqaado isbedellada Tiknoolajiyadeed ee aduunku gaadhay waqtigan.

 

Ka Xisbi ahaanna waxa aannu u aragnaa tallaabadaa Wasaaraddu ay qaadday mid lagu fulinayo barmaamij-siyaasadeedkii xisbibul-xaakimka KULMUIYE  ee  waqtigii ololaha.

 

Siyaasadahaa iyo qorshayaashaas ay ku keentay qalabkana waxa aannu aaminsanahay in loogu talo galay:

 

  1. In Qaranku heli karo cashuur badan oo ku baaqata suuqa isgaadhsiinta (Telecom Revenue Assurance).

 

  1. In la isu furo wada hadalka shirkadaha isgaadhsiinta (Telecom Interconnection) iyo

 

 

  1. In Kor loo qaado adeegga isgaadhsiineed ee macaamiishu ka helaan shirkadaha isgaadhsiinta (Customer rights).

 

Waxaanu qabnaa in Qalabka wasaaraddu keentay aanay ku jirin wax suurto gelinaya in la dhagaysto ama la duubo xogta isgaadhsiineed ee shacabku leeyahay.

 

Waxa aanu shacabka u sheegaynaa in aanay Siyaasadda xisbiga Kulmiye ka mid ahayn, kuna jirin in la kaydiyo xogta gaarka ah ee muwaadiniinta Somaliland nooc ay doontaba ha ahaatee, taasna ay hore u beenisay wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadu.

 

 

Ugu danbayntii Xisbi ahaan waxaannu u aragnaa in axsaabta mucaaradka ahi ka soo horjeedaan talaabooyinka xukuumaddu u qaadday dhinaca horumarka oo ah kuwo shacabku in badan tebayey, isla markaana ay majara-habaabinayaan bulshada Somaliland, annagoo xisbiyada mucaaradka iyo dhinacyada kaleba  ugu baaqayna in ay hubsadaan oo  ay xaqiiqda raadiyaan inta aanay ka hadal qodobbo aanay hubin ama xog dhab ah ka haynin.

ALLAA MAHAD LEH

 

Axmed Cabdi Dheere

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here