“Tabasho Hadda Taagan Oo La Odhan Karo Gobol Hebel Ayey Ka Jirtaa Runtii Ma Qabo, Xukuumadduna Kumay Turun Turoon Intii Yareyd Ee Ay Joogtay”Afhayeenka Madaxweynaha.

0
33

Hargaysa(SN) Maxamuud Warsame Jaamac afhyeenka madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in wakhtigii koobnaa ee ay xukuumaddani jirtay ay dhammaan gobollada dalka si caddaaladi ku dheehan tahay ay wax-qabadyo ay uga fulisay.

Af-hayeenka madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo maalmihii ugu dambeeyay safaro ku galaa bixinayay dalka dibaddiisa ayaa waraysi siiyay telefiishenka HCV isagoo ku sugan dalka Jarmalka, waxaana uu ugu horeyn ka hadlay jab-hadda caarre samaystay.

“Horumarka iyo is-badalka ayaa dadkan deeqaya,horumarka ayaa qarankan lagu dabaalayaa xukuumadduna horumarka wixii wiiqaya ee somaliland qaranimadeeda loo arko in ay wax u dhiyaan cidna kama gabanayso,kornayl caarre nin ciidamadda qaranka ka tirsan ayuu ahaa waana uu ka baxay ciidanka qaranka iyo xayn-daabka somaliland labadaba, xayn-daabka somaliland ninka jooga ee wax ku tirsanaya ama wax ku tabanaya kaas ayuunbaa laga ogol yahay, lakiin ninka xayn-daabkii ka baxay iyo ninka muqdisho tagay ee leh somaliland majirto iyo isagu waa isku mid. Ayuu yidhi Maxamuud Warsame Jaamac

isagoo hadalkiisa sii watta waxa uu yidhi afhayerenku “Somaliland waa in gogol kuwadda fadhida xaqa iyo xuquuqda inanka Sanaag iyo inanka saylac way u wadda siman yihiin, laakiin intii yarayd ee xukuumaddu joogta cidna may taabo galin cidna kumay turun turoone waxa ay u igman tahay oo meesha u joogtaa waxa weeyaan in qaranka si caddaaladda oo horumarsan ay bulshadda ugu wadda adeegto, horumarka intii ay xukuumaddani jirtayna dhammaan gobollada Somaliland wuu wadda gaadhay. Ayuu yidhi Maxamuud Warsame Jaamac, waxaanu intaasi raaciyay “Tabasho Hadda Taagan oo la odhan karo gobol hebel ayaa tabasho ka jirtaa oo hadda jirtaa majirto, xukuumadduna kumay turun turoon mudadii yarayd ee ay meesha joogtay,mana jirto wax cid gaar ahi lagu eegi karo,waxaanad arkaysaa in wadadii ceerigaabo dhismaheedii hadda lagu daray afartan kiiloo mitir si magaaladda ceerigaabo loogu maro.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here