Gudoomiyaha Maxkamaddad Sare S/land iyo Xubno Wasiiro Ah Ayaa Shahadooyin Gudoonsiyey 513 Oo Ka Qalin-Jabiyey Dufacadii 6aad Jaamacadda NEW GENERATION Faraceeda Hargeisa.

0
1025

Gudoomiyaha Maxkamaddad Sare S/land iyo Xubno Wasiiro Ah Ayaa Shahadooyin Gudoonsiyey 513 Oo Ka Qalin-Jabiyey Dufacadii 6aad Jaamacadda NEW GENERATION Faraceeda Hargeisa.

 

Hargeysa(SL)Jaamacadda New Genaration oo ka mid ah Jaamacadaha dalka ku yaala, ayaa waxaa ka qalan jabiyey dufcadii lixaad, oo iskugu jira Ardayda ka qalanjabisay Shahaadada Kowaad ee Degree-ga iyo Shahaadada labaad ee Masterta.

Munaasabadii qalanjabinta oo si balaadhan loo soo agaasimay, oo ka dhacday Mansoor Hotel ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiiradda Somaliland, Madaxda Xisbiyada Qaranka, Siyaasiyiin, Maamulka, Macalimiinta, Waalidka iyo Ardayda ka qalanjabisay Jaamacadda New Genaration.

Guddoomiyaha guud ee Jaamacadda New Genaration Prof:Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf Alla-magan oo isagu ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay ayaa si faah-faahsan uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay Jaamacaddu soo martay, waxaanu ka xog waranay Kuuliyadaha kala duwan ee ay Ardaydu ka qalan jabisay, waxaanu yidhi “Maanta (shalay), oo ay taariikhdu tahay 15/10/2018, madashan qalanjabinta Jaamacada New Genaration, Dufacadii Lixaad ee Digree-ga iyo Dufcadii labaad ee Masterta, munaasibadan qalanjabintu waa maalmaha waaweyn ee aynu leenahay, si aynu ula ciidno arday dadaal kadib dhamaystay waxbarasharada, waxaa la joogaya maalintii aad ku ciidi lahaydeen horumarka aad ka gaadheen Waxbarashada, waxaan idin leeyahay Hambalyo, ilaa maalintii la aasaasay Jaamacadda New Genaration waxay ku talaabsatay guulal wax badan ka bedelay dalka iyo dadkaba, sida Waxbarasho tayo leh oo ay ka helaan Ardayda Jamhuuriyada Somaliland, ee Waxbarashada u tagi jiray dalka dibadiisa”.

Dhanka kale Guddoomiyaha guud ee Jaamacadda New Genaration ayaa tilmaamay in Jaamacadda looga yimaado dalalka aynu jaarka nahay, sida Jabuuti, Somaliya iyo Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya, waxaanu xusay in Maamulka Jaamacadu balanqaadayo inay sii laba jibaari doonaan dadaalka iyo horumarka tayada Waxbarasho ee ay dhigaan, waxaanu sheegay in Hay’addaha kala duwan ee Dawladda ay wada shaqeeyn fiican leeyihiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa bogaadin iyo mahadnaq u soo jeediyey Ardayda qalanjabisay, waxaanu yidhi “Xafladan oo kale waxaa ku munaasib ah hambalyo iyo mahadnaq, waxaana marka ugu horeysa hambalyeynayaa dhalinyarada dhamaystay waxbarashadoodii ee maanta Shahaadooyinkii la gudoonsiiyey, waxaan hambalyeynayaa Jaamacadda New Genaration, waxaan hambalyeynayaa qaranka Somaliland, Dhalinyaradii Shahadooyinkan halkan lagu gudoonsiiyey waxay ku dhasheen Somaliland, waxay ku barbaareen Somaliland, waxay wax ku barteen Somaliland, waxay wax u barteen Dalkooda Somaliland”

Wasiirka xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa bogaadiyey Ardayda ka qalanjabisay Jaamacaddan, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda New Genaration, oo uu xusay inay kaalin muhiim leh ka qaadateen suurtagalnimada ah inay Ardaydani helaan aqoon iyo waxbarasho ay muddo dheer hiigsanayeen, waxaanu tilmaamay inay Jaamacadu si fiican ugu tacabtay Ardaydan qalanjabisay, isla markaana Waxbarasho tayo leh siisay.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Wasiirka Ciyaaraha, Wasiirka Cadaalada oo iyana munaasibadan ka hadlay ayaa bogaadin, mahadnaq iyo hambaliyo iskugu daray Ardayda ka qalanjabisay Jaamacadda New Genaration, waxayna si gaar ah ugu mahadnaqeen Jaamacadda New Genaration, oo ay uga mahadnaqeen siday wax u bareen Ardaydan qalanjabisay, waxayna ku dhiirigeliyeen inay halkaas ka sii wado dadaalka.

Ugu dambayntiina Ardaydii kaalmaha hore ka galay kuuliyadaha kala duwan ayaa abaalmarino ka gudoonsiiyey iyada oo dhammaan Ardaydii qalan jabisayna la gudoonsiiyey Shahadooyinkoodii.

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here