“Waxaanu Ballan Qaadaynaa Inaanu Toosino Wixii Ka Qaloocday Qaranka”M/Saylici.

0
30

Hargaysa-(SLN) Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa sheegay in xukuumadu dadaal dheer gelisay in waxbarashadu noqoto waxyaabaha lagu tartamo islamarkaana lagu helo shaqooyinka dawladda.

Waxaanu madaxweyne ku-xigeenku ka codsaday bulshada inay kala shaqeeyaan sidii meesha looga saari lahaa qabyaaladda iyo qof jeclaysiga waxaanu yidhi “Waxaanu ballan idiinku qaadaynaa in aanu dib u toosino wixii innaga qaloocsamay ilaa 1960 ee ah qabyaaladda iyo qof jeclaysiga, waxa aanu ballan qaadaynaa in lagu tartamo cilmiga iyo aqoonta  oo aanu jiri doonin qof danbe oo gacanta la hayo oo shaqo la qoraa, waxaan jeclanahay in lanagu taageero hir-gelinta cadaaladda iyo sinaanta qaranka”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here