Shirwayne caalami ah oo Macdanta lagaga Hadlayay kana dhacay Dalka Imaaraadka oo somaliland lagu soo casuumay Wacdarro halkaa lagu soo bandhigay

0
1233

BANDHIG MACDANEED(THE MINING SHOW) LAGU QABTAY DAWLADDA ISU TAGA IMARAADKA OO LAGU CASUUMAY DAWLADDA SOMALILAND

Dubai(SL)Bandhig macdaneedkan oo lagu qabtay Dawladda Isu tagga imaaraàdka, oo ay kasoo qaybgaleen Dawladaha China,Suadi arabia,nigeria,Marroco,Somaliland waxaa Shirkan Somaliland u matalayay Safiirka Somaliland u fadhiya imaaraadka Ambassador Hassan Yaasiin Hirad iyo Agaasimaha Waaxda Macdanta ee wasaaradda Tamarta iyo macdanta somaliland  Ahmed Mahamuud.

 

Shirkan waxaa khudbado ka jeediyay madax ay ka mid yihiin Agaasimaha guud ee wasaarada macdanta ee dalka Isu tagga imaaraadka KHAALID Ali Al hussayn oo si qotto dheer uga hadlay ujeedada bandhigan iyo isdhexgalka ganacsiga aduunka, Shirka waxyaabihii lagu soo bandhigay waxaa ugu cajiib badnaa Somaliland Wasaaradii Macdanta iyo tamarta oo uu ka socxay Ahmed mahamuud buug laga qoray Macdanta wadanka laga helay waxaa loo qaybiyay dhamaan wadamaddii  kasoo qayb galay CHINA,SAUDI ARABIA,MOROCCO,NIGERIA.

waxaa safiir Hassan yaasiin Hirad Shirar goos goos ah kula kulmay Agaasimaha guud ee wasaaradda Macdanta dalka imaaraadka Khaalid ali alhussayn iyo wakiilka nayjeeriya,Morroco,saudi arabia wuxuu safiirka Hasan yaasiin hirad  iyo wakiilkii wasaaradda macdanta somaliland Ahmed mahamuud Si balaadhan ugu sharaxeen Fursaddaha yaala Dalka iyo macdanta dihan ee dalku leeyahay waxaa indhaha dadka kasoo qayb galay soo jiitay BUUGA Calanka SOMALILAND ku qornaa xogtii  MACDANTA dalka .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here