Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefti Culus Oo Ka Socda Dalka Ingiriiska +Sawiro

0
960

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefti Culus Oo Ka Socda Dalka Ingiriiska

 

Hargeysa-07-10-2018-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda dalka Ingiriiska oo ay hoggaaminayso wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika, ahna madaxa hay’adda horumarinta caalamiga ah ee DFID. Harriett Baldwin.

 

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay weftiga ka socda dalka Ingiriiska, ayaa diiradda lagu saaray arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Britain iyo wada-shaqaynta labada dhinac ee dhinacyada siyaasadda, horumarinta iyo iskaashiga, waxana madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska,  Marwo Ayaan Maxamuud Cashuur.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Sacad Cali Shir, ayaa markii uu kulankaasi soo dhammaaday warbaahinta uga warramay waxyaabihii ay madaxweynaha iyo weftiga ka socda dalka Ingiriisku sida gaarka uga wada-hadleen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweynaha iyo weftigu waxa ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid tahay iskaashiga labada dal ee dhinacyada iskaashiga, horumarka, nabadgelyada, kaabayaasha, doorashooyinka iyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, wada-hadalkaasina si wacan buu u dhacay, ingiriiskuna waa dawladda inoogu deeqda badan, aad iyo aadna waannu uga mahadcelinayey deeqdaas uu Ingiriisku ina siiyo, waxana aannu isla meel-dhignay inaynnu is-kaashigeennaa iyo wax wada-qabsigeennaas aynnu halkaas kasii wadno.”

 

Wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika, Mis, Harriett Baldwin oo iyaduna dhinaceeda ka xog-warrantay kulanka weftiga ay hoggaaminaysaa la qaateen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ammaantay horumarka dhinacyada badan leh ee ay Somaliland ku tallaabsatay, waxana ay shaacisay dhaqaale horleh oo ay dawladdeedu ugu deeqayso wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta Somaliland, waxana ay tidhi, “Aad baan ugu faraxsanahay inaan imaaddo caasimadda Hargeysa oo aan arko mid kamid ah dalalka Afrika ee xidhiidha qotoda dheer la leh dalkayga, maantana waxa aan indhahayga kusoo arkay qaar kamid ah mashaariicda uu dalkaygu maalgeliyo ee loogu talo galay dadka reer Somaliland. Sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Development fund) waxa uu gacan siinayaa mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa, waxana aan aad ugu faraxsanahay inaan maanta halkan kaga dhawaaqo bilowga wejiga labaad ee mashruuca horumarinta Somaliland oo aannu  ugu deeqaynno 25-Milyan oo bound oo wax lagaga qabanayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka Somaliland.”

 

Ugu dambayntii waxa ay  wasiiru-dawluhu madaxweynaha ku bogaadisay sida ay uga go’an tahay horumarinta, hirgelinta dimuqraaddiyadda iyo sida ay uga go’an tahay in ay waqtigooda ku qabsoomaan doorashooyinka Dawladaha Hoose iyo Baarlamaanku, iyada oo hoosta ka xarriiqday in dalka Ingiriisku sii ahaan doono saaxiib dhaw oo ay Somaliland leedahay.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here