Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Iyo Wafti Ballaadhan Oo Uu Hogaaminaayo Ayaa Caawa Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kadib Booqasho Uu Ku Joogay Sucuudiga

0
1042

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Iyo Wafti Ballaadhan Oo Uu Hogaaminaayo Ayaa Caawa Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kadib Booqasho Uu Ku Joogay Sucuudiga.

 

Hargeysa-06-09-2018-(SLN)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafti balladhan oo uu hogaaminaayo ayaa caawa dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal shaqo iyo acmaasha xajka isugu jira oo uu ugu maqnaa dalka boqortooyada Sucuudiga.

 

Waftidani uu hogaaminaayo madaxweyne ku-xigeenku ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargaysa kusoo dhaweeyay Caawa boqolaal qof oo isugu jira madaxda dhaqanka, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo haween dhamaantood ruxaayay caleemo-qoyan iyo calanka Somaliland.

 

Markii Weftigu ka soo degay Diyaaradii siday oo ahayd mid khaasa oo uu soo siiyey boqorka Sucuudigu, waxa warbaahinta la hadlay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, mudane Maxamed Muuse Abees oo ka mid ahaa weftiga madaxweyne ku xigeenka, waxaanu wasiir ku xigeenku faah-faahin ka bxiiyey kulamadii ay ku yeesheen dalka sucuudiga, isagoo xusay inay dhidibada u soo taageen xidhiidhkii boqolaal sano ka dhexeeyey Somaliland iyo Sucuudiga, sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan oo ka warbixiyay Socdaalkii shaqo ee waftida madaxweyne ku-xigeenku ugu maqnaayeen dalka Sucuudiga waxaana uu sheegay in dhamaan hawlihii ay halkaasi u tageen ay ugu soo dhamaadeen guul, waxa kale oo uu wasiirku xusay in xidhiidhka Sucuudiga iyo Somaliland yahay mid soo jiray qarni dhaw-dhaw islamarkaana lagu qaabilay meeqaam aad u sareeya.

 

Sidoo kale waxa isma ka hadlay safarka Siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur oo kamid ahaa waftiga madaxweyne-kuxigeenka ayaa sheegay in Madaxweyne-ku xigeenku ku guulaystay inuu Somaliland uga faa’ideeyo farsado badan oo ay kala kulmeen dalka Sucuudiga waxaana uu sheegay in mucaarid iyo muxaafidba si weyn loogu mideebo sidii looga midho dhalin lahaa siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland waxaanu yidhi “”Sidaa la xusay ujeedkaygu xaj ayuu ahaa, waxaana aanu kamid ahayn dadka uu casuumay boqorka Sucuudigu gaar ahaan dadka masuuliyiinta ah ee dunida islaamka, waana u mahad celinaynaa, waxa kale oo aan anigu halkan uga mahad celinayaa madaxweyne ku-xigeenkii ummadiisa uga faa’ideeyay fursadaas, waxa uu u badalay fursad, xajkiina xaajo ayuu raaciyay aad ayaanan ugu mahad celinayaa waxa uu soo dhagax dhigay xidhiidh adag, anna waanu ku taageersanahay, waxa caqliga saliimka ahi ina farayaa in waxa wanaagsana laysku taageero, wax loo midoobo ayaa jira, waxa loo midoobayaa marka ay siyaasadda arrimaha dibada tahay, dalka sucuudigu inoola mid maaha dalalka caalamka cid kasta wuu inooga dhaw yahay” ayuu yidhi Maxamed Nuur Caraale Duur.

 

Ugu danbayntiina waxa halkaa ka hadlay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo si weyn ugu mahad celiyay boqorka iyo dawladda sucuudiga sida ay usoo dhaweeyeen waftidani, waxaana uu madaxweyne ku-xigeenku sheegay in dawladda sucuudigu ay ka aqbashay in si dhakhso ah loo guda galo sidii loo furi lahaa xoolaha nool ee Somaliland iyo sidii sucuudigu u ogolaan lahaa baasaaboorka Somaliland.

 

Waxaana uu yidhi “Waxaanu u mahad celinayaa boqorka sucuudiga isaga iyo shacabkiisaba, annagoo sidana passport  kala duwan hadana dhamaantayo waxa nagoolu qoray Jinsiyadda Jamhuuriyadda Soamliland, waxa naloo qaabilay si wanaagsan, marti qaad ayuu sameeyay boqorku anaguna dadkii ayaanu kamid ahayn, waxa kale oo taa sii dheerayd in uu anniga boqorku igu daray 11-kii qof ee ugu sareeyay kulankaasi, waxa kale oo aan la iloobi karin waji fur-naanta nagula soo dhaweeyay, markii xajkii noo dhamaaday waxaanu guda galnay hawlaha qarankeena waxaanu la kulanay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan xukuumada, ganacsato, rugta ganacsiga jidda  oo muddo dheer jirtay waxaanu dhamaantood kala kulanay inay yihiin dad ina danaynaya oo jecel inuu ina dhex maro xidhiidh weyni waxa aan sii qaaday dhambaalo madaxweynaha Somaliland hore ugu qoray dawladda sucuudiga, dhamaan wixii aanu codsanayna waji wanaagsan ayay ku aqbaleen haday furitaanka xoolaha tahay iyo haday baasaaboorkeena inay aqbalaan tahayba, waxay noo sheegeen inay ganacsatadooda ku boorinayaan inay maal-gashadaan dalka Somaliland dhamaan intii ka qayb gashay hawshayadaasna aad baan ugu mahad celinayaa” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Wa-bilaahi tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here