Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Xaflafii Qalin-jebinta Burco meeshana ka saaray in Madaxweynaha Lagu Marti-qaaday

0
1377

Hargeysa(SL)WAR-SAXAAFADEED: 06/09/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu hambalyo u dirayaa Ardayda ka qalin-jebiyey Jaamacadda Burco ee gobolka Togdheer maanta oo ay taariikhdu ahayd 06-09-2018, oo ahayd dufcadii siddeedaad ee loo qabto munaasibadda qalin-jebinta.

Hambalyadaa ka dib waxa aan Ardayda iyo waalidiinta u cadaynayaa haba-yaraatee in aanay jirin cid madaxweynaha soo gaadhsiisay marti-qaadka Xafladda qalin-jebinta Jaamacadda Burco ee gobolka Togdheer, sidaa awgeed waxaan u sheegayaa cid kasta oo filaysay inuu madaxweynuhu kala qayb-galo munaasibadda qalin-jebinta Ardaydaasi in aan madaxweynaha la soo gaadhsiin marti-qaadkii qalin-jebinta Jaamacadda Burco oo masuuliyada marti-qaadku saarnayd maamulka jaamacadaas.

Marti-qaadyada Jaamacaddaha dalku u fidiyaan madaxweynaha ee ka qayb galka munaasibadahooda waxa lagu wargeliyaa maalmo ka hor Waxaana masuuliyada qaladkaasi dusha ka saaran yahay maamulka jaamacadda Burco oo aan iyagu marti-qaadka munaasibada aan soo gaadhsiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland, ee ka qayb-galay xafladda qalin-jebinta jaamacadda Burco, wuxuu safar u gaara oo la xidhiidha shaqadiisa ku marayey gobolada bariga Somaliland.

Ugu danbayn waxa madaxweynuhu ardaydaas qalin jebisay u rajaynayaa inaay noqdaan kuwii dalkooda diintooda iyo dadkooda ku anfaca cilmigaa ay barteen.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here