Madaxweynaha Somaliland Oo Magaalada Boorama  Kaga Qayb-galay Xafladda Qalin-jebinta Dufcadii 17aad Ee Jaamacadda Camuud Ka Baxda Sannadkan 2018-ka +Sawiro

0
1463

Madaxweynaha Somaliland Oo Magaalada Boorama  Kaga Qayb-galay Xafladda Qalin-jebinta Dufcadii 17aad Ee Jaamacadda Camuud Ka Baxda Sannadkan 2018-ka

 

Borama-05-08-2018-(SLN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo saaka safar ugu baxay magaalo madaxda gobolka awdal ee Borama ayaa ka qayb-galay Xafladda Qalin-jebinta Dufcaddii 17aad ee ka baxda Jaamacadda Camuud University  oo tiradoodu ahayd 900 oo Arday.

 

Xafladaas oo ahayd mid si heersare ah loosoo agaasimay islamarkaana xambaarsanayd farxad iyo rayn-rayn ay dareemayeen ardayda qalin-jebisay, waalidiintii ku soo tabcay iyo dhamaan ka soo qaybgalayaashii xafladaasi.

 

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddida Jaamacadda Camuud, Xaaji Axmed Miisaan Aarre oo ku hadlayey afka guddida ayaa hambalyo u diray dhammaan ardayda qalin-jebisay iyo waalidiintii ku soo tabcay ubaxaasi maanta qalinjebiyey.

 

Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud University, Prof: Saleebaan Axmed Guuleed oo madasha furay ayaa si weyn Madaxweynaha ugu soo dhaweeyay xafladda qalinjabinta dufcadii 17aad ee jaamacadda isagoo Guddomiyuhu si qoto dheer uga sheekeeyay waayihii kala duwanaa ee ay jaamacadu soo martay iyo doorkii laxaadka lahaa ee ay xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland kasoo qaateen taabo galinta jaamacadda Camuud waxaanu yidhi guddomiyuhu”Ardayda maanta qalinjabinaysaa waxay ku bilaabeen 847arday. mastarta waxa ka qalinjabiyay 102, ardayda Digreeg guna waa 745 arday waxaan ku dhawaaqayaa inay maanta dhamaantood qalin jabiyeen hambalyo, jaamacadu marxalado badan ayay soo martay waananu ku faraxsanahay inuu maanta inala joogo Madaxweyne kasoo baxay jaamacadan camuud” ayuu yidhi guddomiyaha jaamacada Camuud.

 

Dr. Xuseen Maxamed Muxumed (Xuseen Xoog) oo ku hadlayey afka Ardayda ka qalin-jebisay Master-ta ayaa ardayda qalinjebisay ku booriyay inay tacliinta sii wadaan, islamarkaana si weyn looga wada shaqeeyo tayaynta tacliinta sare ee Somaliland waxaanu yidhi “Waxaan ardayda ugu baaqayaa inay tacliinta sii wadaan maadama ay haystaan jaanis iyo fursad weyn oo aanan annigu haysan barigii hore, waxa loo baahan yahay inaad badsataan cilmiga islamrkaana aad dhawr qaybood oo tacliimeed barataan si ay u fududaato inaad shaqo fiican heshaan,ardayda qalinjebisay iyo xukuumadaba waxaan ugu baaqayaa in laga wada shaqeeyo tayaynta tacliinta sare”ayuu yidhi Dr.Xuseen Xoog oo ardayda kamid ahaa.

 

Dr. Raxma Sheekh Xasan Tubeec oo ku hadlaysay afka  hablaha ardayda qalinjabiyay qaybta caafimaadka, ayaa haweenka ku dhiirigelisay inay haweenku kordhiyaan dedaalka aqooneed una dhabar adaygaan wakhtiga ay siinayaan waxbarashadooda.

Saleebaan Xuseen Aadan oo isna ku hadlayay afka guud ee ardayda Jaamacada Camuud ayaa si weyn u sharaxay dariiqii dheeraa ee ay usoo mareen maantoo kale inay helaan shahaadada ay maanta u dabaal degayaan.

 

Guddomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiillada iyo Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw-cali Faarax ayaa iyaguna dhankooda u hambalyeeyay ardayda maanta qalinjabisay waxaana ay si weyn ugula dardaarmeen arayda maanta qalinjabisay inay xil dheeraada iska saaraan sidii ay dalkooda iyo dadkoodaba ugu adeegi lahaayeen islamarkaana ay dalkani la hiigsan lahaayeen dalalka horumaray.

 

Wasiirka Waxbarshada iyo Sayniska Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa hambalyo ballaadhan u diray guud ahaan ardayda sanadkan ka qalinjabinaysa guud ahaan jaamacadaha dalka isagoo wasiirku yididiilo fiican ka muujiyay mustaqbalka wanaagsan ee dalka Somaliland leeyahay, waxaanu wasiirku sheegay in xukuumadu heegan ugu jirto tayaynta tacliinta guud ahaan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ugu danbayn soo xidhay xafladda qalinjabinta ardayda jaamacadda camuud ayaa hambalyo u  diray ardayda qalinjabisay, isla markaana gudoonsiiyey shahaadooyin ardaydii ugu saraysay kuliyadaha kaal duwan ee ay jaamacadu bixiso, sidoo kalena madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqey mashaariic horumarineed oo gobolkan Awdal lagu kobcinayo.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu kormeer ku soo maray qaar ka mida fasalada jaamacada iyo Xafiisyada oo uu ka mid ahaa class kii uu wax ku baran jiray madaxweynuhu wakhtigiisi dugsiga sare ee Camuud, iyadoo uu gudoomiyaha jaamacada camuud ahaana markaasi maamulihii iyo macalintii madaxweynuhu uu ku wehelinaayey xasuustaasi mudada dheeri ka soo wareegtay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here