Madaxweynaha Somaliland Tacsi u diray dadkii ku geeriyooday Qaraxii xalay ka dhacay Buuhoodle, fariina u diray cidii ka danbaysay falkasi argagaxa leh

0
834

TACSI MADAXWEYNE: 02/08/2018
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, shacbiga gobolka Buuhoodle, iyo dhamaan shacbi weynaha reer Somaliland, gaar ahaan qoysaska, ehellada, qaraabada, asxaabta ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay ka dhacay Magaalo madaxda gobolka Buuhoodle ee ay ku naf waayeen muwaadiniin reer Somaliland ah.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumiinta ku geeriyooday qaraxaasi Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, intii ku dhaawacantayna Alle caafimaad taama ka siiyo kana dulqaado dhibta iyo xanuunka soo gaadhay.

Madaxweynuhu waxa uu laamaha amniga ku adkeeyey inay baadhitaan buuxa ku sameeyaan siday wax u dhaceen, gacantana ku soo dhigaan ciddii ka danbaysay falkaasi argagaxa ku abuuray bulshada gobolka Buuhoodle iyo dalkaba.

Xukuumadda Somaliland, marnaba ma aqbalayso, umana dul-qaadan doonto cid kasta oo isku dayda waxyeello, dhibaato iyo falal amni-darro ah inay ku qaaddo shacbiga iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Aamiin Aamiin Aamiin
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here