Wasaaradda Beeraha JSL Oo Cagafyo Ku Wareejisay Beeralayda Oodweyne.

0
62

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Mudane Axmed Muumin Seed ayaa laba cagaf oo kuwa beeraha qoda ah ku wareejiyey Gobolka Daadmadheedh.
Wefti uu hoggaaminayo wasiirku oo maanta socdaal ugu kicitimay gobolkaasi ayaa socdaalkooda ku maray deegaanada Galoolay, Qaloocato, Gatiitalay, Ceelsame iyo Xaaxi.
Wasiirka oo munaasibadan ay ku wareejinayeen cagafyadan ay hay’adda World Vision soo iibisay ay ku wehelinayeen masuuliyiin ka socday hay’adda, Badhasaabka Gobolka Daadmadheedh, Taliyaha booliska ee gobolkaasi iyo isuduwaha wasaaradda horumarinta ee gobolka Daadmadheedh. 

 


Wasiirka oo munaasibadaasi ka hadlay wareejinta cagafyadan ayaa waxa uu tilmaamay inay ka mid tahay dedaalka ay ugu jiraan sidii wax soo saarka loo kobcin lahaa, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Cagafyadan oo aanu ku wareejinay deegaanada Galoolay iyo Qaloocato ayaanu ugu talo galnay inay ka qayb qaataan kobcinta wax soo saarka dalka, waxaanan uga mahadnaqayaa hay’adda World Vision oo soo iibisay”
Wareejinta cagafyadan uu wasiirku ku wareejiyey gobolka Daadmadheedh ayaa noqonaysa markii labaad intii uu xilka hayey iyada oo hore deegaanka Gatiitalay ugu wareejiyey cagaf beeraha ay ku qodan doonaan.

Xukuumadda somaliland ayaa dadaal weyn ka wada sidii ay u xooji lahayd beeralayda Somaliland halku dhiga barnaamijkan tayanta beeralayada ayaa loogu magac dhabay “Waxay Beertaa Ku Siiso Bahdaa Kuma Siiso”

Somalilandnation.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here