Madaxweynaha oo magacaabay ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee qaranka

0
892

Madaxweynaha oo magacaabay ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee qaranka

Hargeysa(SN)WAR-SAXAAFADEED: 03 /07/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-157/072018, ku magacaabay ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee qaranka.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Markaan Arkay:                  Qodobka 90aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Tixgeliyey:          Ahmiyadda uu ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud u leeyahay dhisimaha Qaranka

 

Markaan Arkay:                  In baahi loo qabo buuxinta jagada Ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka

 

Markaan Fiirsaday:             Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markaan Sameeyey:           In uu hanan karo xilkan;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In Mudane, Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

         

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here