Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka Reer Jabuuti Ku Hambalyeeyey 41-guurada kasoo Wareegtay Maalintii ay Gobonnimada Qaateen

0
981

Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka Reer Jabuuti Ku Hambalyeeyey 41-guurada kasoo Wareegtay Maalintii ay Gobonnimada Qaateen

Hargeysa-(SN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka dalka Jahuuriyadda Jabuuti ku hambalyeeyey sanad-guurada 41-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaaday waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii.

Madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad dhinacyo badan habeenkii xalay ka jeediyey munaasibad loogu dabbaal-degayo sanad-guurada 58-aad ee kasoo wareegtay xorriyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shacabweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sanad-guurada xorriyadooda, waxana uu u rajeeyey horumar iyo barwaaqo, waxana isaga oo hambalyadaas diraya uu yidhi,“Waxa aan halkan hambalyo uga dirayaa hambalyo dalka Jamhuuriyadda Jabuuti gobonnimadooda oo ku beegan 27-ka June Berri , innaga oo laba waddan oo jaar ah oo aad isugu dhaw ayaa haddana labadeennii maalmood ee xorriyadduna isku xigaan, iyagana hambalyaan u dirayaa in Ilaahay sanadkaa sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo.”

Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xidhiidh qoto dheer oo walaaltinimo iyo derisnimo-wanaag salka ku haya la leh dalka Jabuuti, waxana labada shacab ka dhexeeya dareen walaalnimo oo aan duugoobaynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here