Hay’adda Qurbajoogga iyo Waaxda Socdaalka JSL oo kulan muhiim ah wada qaatay

0
997

Hay’adda Qurbajoogga iyo Waaxda Socdaalka JSL oo kulan muhiim ah wada qaatay

Hargeysa-WAR-SAXAAFADEED:11/06/2018- (SN)Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar) iyo Taliyaha Waaxda Socdaalka Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan Caalin (Dayib) ayaa maanta Xarunta Guud ee Waaxda Socdaalka ku wada yeeshay kulan saacado qaatay oo labada dhinac kaga wada hadleen cabashooyin uga yimi Hay’adda Qurbajoogga qaarka mid ah dadka qurbaha ka soo noqday ee ganacsiyada kala duwan  maalgashaday dalka.

 Kulankan oo ay ku weheliyeen labada dhinac xubno metelayay ganacsatada dadka qurbajoogga ah ee ganacsiyada ku leh dalka ayaa ugu lagu soo bandhigay cabashooyin ay ganacsatadani  qabeen oo ku saabsan shaqaalaha ajaanibka ah ee dalka dibadiisa ay uga soo qaataan  shaqooyinka farsamo ee  looga maarmi waayo iyo dhibaatooyin kala duwan oo ay kala kulmaan kafaalashadooda siiba iyagoo  heshiiska ka baxa  iyo kuwa dib loo celiyo ee laga mannuuco dalka oo dib ugu soo noqda.

Taliyaha Waaxda Socdaalka Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan Caalin (Dayib) oo dhiciisa ay weheliyeen saraakiisha qaabilsan fiisayaasha iyo heshiisyada kafiilashada ayaa ugu horrayn si faahfaahsan uga warramay ganacsatada qurbajoogga ah shuruucda uga degsan dalka xagga socdaalka iyo kafaala qaadka shaqaalaha ajaanibka ah, dhibaatooyinka ka yimaada iyo doorka ay Waaxda Socdaalku ka qaadato, caqabadaha jira gaar ahaan xagga shuruucda la xidhiidha iyo wada shaqaynta daneeyaasha kala duwan ee dawladda ee arrimahani khuseeyaan dalka gudihiisa iyo debadiisaba oo ay ka midyihiin Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo Safaarada Somaliland kuwaasoo  u baahan in si wadajir ah wax looga qabto. Taliyaha Socdaalku waxa kale oo uu si qotodheer uga warbixiyay hawlaha ballaadhan ee Waaxda Socdaalku qabato xagga socdaalka xuduudaha barriga, badda iyo madaaradaba, taariikhda waaxda socdaalka iyo duruufihii ay soo martay iyo weliba guulaha waxqabad ee dalka u qabsoomay dhinaca adeegga waaxda socdaalka muddooyinkii u dambeeyay.

Labada dhinac waxa ay is tuseen ahmiyadda dhaqaale iyo shaqo abuur ee ay qurbajoogga dalka ku soo noqonaya ee maalgashanaya ganacsiyada kala duwani u leeyihiin dalka Jamhuuriyadda Somaliand iyo sida loogu baahanyahay in la dhiirrigeliyo taas, isla markaana wax laga qabto waxkasta oo carqaladaynaya soo noqoshadooda iyo maalgashiga faraha badan ee ay dalka ku samaynayaan.

Gebogebadii, labada dhinac iyo ganacsatada ayaa  isla qaatay qodobo muhiim ah iyo qorshe hawleed ay uga ballameen in la iska kaashato dhammaan daneeyayaasha ay arrimahani khuseeyaan si xal kama dambays ah looga gaadho xagga shuruucda, heshiisyada kafiilashada, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta ganacsatada ah, iyo guud guud ahaan ammuuraha ku saabsan maamulka socdaalka shaqaalaha ajaanibka ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 SOURCE OF THE NEWS: 

Hay’adda Qurbajoogga JSL

Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL 

Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland

info@sldiaspora.org

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here