Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Tacsi U Diray Dhamaan Umada Somaliland

0
1413

TACSI MADAXWEYNE:21/02/2018
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, ciidamada qaranka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Gashaanle Sare Abiib Cabdi Jaamac (Abiib Dhagax) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 21/02/2018, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey sarkaal ka baxay qaranka Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee dhidibada loogu taagay Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu ciidanka qaranka dhexdiisa ka soo qabtay xilal doora oo ay ka mid ahaayeen taliye guuto, hoggaan ku xigeen, wakhtigana waxa uu geeriyooday isagoo ah taliyaha ciidanka difaaca cirka ee ciidanka qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada qaranka Somaliland, qoyskii, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here