Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Iyo Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka Ee Xoghayaha Qaramada Midoobay Oo Ka Wada Hadlay Dardar Gelinlaa Mashruuca JPLG.

0
899

Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan gaara la qaatay Wefti ballaadhan oo ka socday qaramada midoobay oo uu hoggaaminayey ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Qaramada Midoobay, ahna isu-duwaha Arrimha Gargaarka Binu’aadanimada, una qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Peter de Clercq.

Kulankaasi gaarka ah waxa lagaga wada hadlay sidii loo dardar gelinlahaa mashruuca maamul daadejinta dawladaha hoose ee JPLG, diiradana loogu saari lahaa diyarinta qorshaha shanta sanno ee soo socda oo ay kaw ka tahay sidii loo heli lahaa dhaqaale ku filan Somaliland, iyadoo dawladduna diyaar ay u tahay qaybtinta mashruuca, isla markaana kordhisay qaybteedii ahayd 17% imikana ay ka dhigtay 21%.

Waxa kale oo laga wada hadlay sidii qorshaha shanta sanno loogu fulin lahaa mashruucan saddex iyo labaatanka (23) degmo doorasho ee dalka, iyadoo mudnaanta koowaad la siin doono gobolada barriga Somaliland.

Ugu danbayn kulankaasi waxa lagu lafo-guray sidii loo heli lahaa kaalmadii ku aadanayd barmaamijkaasi maamul daadejinta dawlahada hoose ee JPLG, waxaanu ku xigeenka ergeygu balan qaaday inay dedaal muuqda ka geysanayaan dhinacooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here